Monday, September 16, 2024

Xasan oo gaaray Beijing si uu uga qayb galo shirka Afrika iyo Shiinaha

Beijing (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Beijing si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika, kaasoo oo dhcii doona 4-ta ilaa 6-da bishaan September

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Africa iyo Shiinaha.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan la qaato dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, si ay uga wadahadlaan dhinacyadan muhiimka ah ee iskaashiga. Soomaaliya ayaa u dirtay shirka wafdi ballaaran oo ay ku jiraan dhowr wasiir, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sannadkii 2018-kii, xilligii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Soomaaliya waxay ku biirtay hindisaha Shiinaha ee loo yaaqaano “Belt and Road Initiative” oo ah mashruuc ballaaran oo looga gol leeyahay horumarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan dalalka Afrika, Aasiya, Laatiin Ameerika, iyo Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, welwelka amni ee joogtada ah iyo saameynta reer galbeedka ee Soomaaliya awgeed, weli ma jiraan mashaariic waawayn oo Shiinuhu ka fuliyay gudaha Soomaaliya waayadaan dambe.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid soo billaawday xilli hore, waxayna labada dhinac iska kaashan jireen dhinacyada kalluumeysiga, ganacsiga, iyo xiriirka diblumaasiyadeed, waxaana la rajeynaya in shirkan uu furo wadooyin cusub oo iskaashi ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here