Sunday, September 8, 2024

Xasan oo Itoobiya ugu baaqay inay hannaan sharci usoo marto doonisteeda badda

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa Itoobiya ugu baaqay inay dariiq sax ah usoo marto doonisteeda la xiriirta in ay hesho bad ay u adeegsato ganacsi.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowldda Soomaaliya ay ka go’an tahay daris-wanaagga iyo in la xoojiyo iskaashiga heer gobol, si waafaqsan danaha wadajirka ah, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya aysan Iyoobiya u diidanayn in ay hesho bad laakin ay muhiim tahay in ay usoo marto hannaanka waafaqsan sharciga.

“Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti”.

Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan Itoobiya haddii ay usoo marto qaabka sharciga ee ay u marto adeegsiga badda Januuti ” Itoobiya haddii ay dooneyso in ay xeebaha Soomaaliya soo gaarto waanu soo dhaweyneynaa. Waxaan rabnaa in ay usoo gaarto sida ay u gaartay xeebaha Jabuuti iyo Kenya”

Dhanka kale, Xasan waxa uu diiday qorshaha Itoobiya ee ah in ay saldhig ciidan ka sameysato xeebaha Soomaaliya, sida uu dhigayo heshiiska is-afgaradka ah ee ay la gashay Somaliland, wuxuuna yiri ” Waxaan rajeynaya in madaxda Itoobiya uu miirka usoo noqdo oo walaalahooda Soomaaliya la macaamilaan laakin ha iska illoobaano ciidan badeed ayaan Soomaaliya keeneynaa iyo saldhig badeed”

Shirka Bulshada Bariga Afrika ee (EACON 2024) ayaa maanta  ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo xoogga lagu saarayo inta uu socdo kor u qaadida iskaashiga iyo midnimada gobolka Bariga Afrika, waana markii ugu horeeyey ee lagu qabto Soomaaliya tan iyo markii ay ka mid noqotay Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Shirkan ayaa socon doono muddo laba maalin ah, waxaana ka qayb gelaya in ka badan 300 oo isagu jira mas’uuliyiin dowladeed iyo wakiilo ka kala socda ganacsatada, waxbarashada, siyaasiyiinta iyo saamilayda gobolka.

Ujeeddada shirka ayaa ah in la xoojiyo midnimada iyo iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo meelaha muhiimka ah sida horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, isku xirka bulshada, ilaalinta deegaanka, iyo dadaallada nabadeynta gobolka

Ajendaha shirka waxaaka mid ah dooddo iyo khubado kala duwan oo lagu wadaagayo hababka ugu wanaagsan ee kor loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada ee gobolka.

Shirkan oo ah mid sanadle ah, waxaa sannadkii 2023 lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda, intii u dhaxeysay Juun 20-22, 2023.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii December ee lasoo dhaafay ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Bulshada Bariga Afrika waa urur Goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqotay dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here