Wednesday, January 22, 2025

Xasan oo ku celiyay inay ka go’antahay hirgelinta doorashooyin toos ah

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale caddeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan doorashooyin toos ah oo caddaalad ku saleysan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay Boqorka Dalka Ingiriiska, Charles III, oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh wuxuu ku bogaadiyay xiriirka dhow ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta habraacyada dimuqraadiyadda.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda, waana xaq dastuuri ah oo shacabka Soomaaliyeed u baahan yahay in si buuxda loo xaqiijiyo. Dowladda waxay xoogga saaraysaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan awood buuxda oo ay ku hagaan mustaqbalkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah in ay taageero buuxda siiyaan Dowladda Federaalka si loo dedejiyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka tooska ah. Wuxuu xusay in tallaabadani ay muhiim u tahay xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed, nabadda, iyo horumarka waara ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladdu ugu hawlan tahay in shacabka Soomaaliyeed laga dhigo kuwa si toos ah u doorta hoggaankooda, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa ka qeybgalka shacabka ee dib u dhiska qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyada oo uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay maanta Hindisaha Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here