Tuesday, September 24, 2024

Xasan oo Norway gaarsiiyay dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya

Oslo (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqashada uu ku joogo dalka Norway ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas , Jonas Gahr Støre.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta iskaashiga labada dal, waxayna isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, mashaariicda horumarka iyo amniga, sida ay sheegtay Vlla Somalia.

” Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Norway la wadaagay dadaallada xooggan ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isagoo caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay cirib tirto Al-shabaab oo caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo gobolka, sida ay tilmaamtay Villa Somalia.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal.

Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweyne Soomaaliyeed kii ugu horeeyay ee booqasho rasmi ah ku taga dalka Norway, waxaana lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo 2024.

Tan iyo 2003, Madasha Oslo waxay martigelisay shirar badan oo ay kasoo qayb agleen qaar badan oo ka tirsan hoggaamiyayaasha caalamka, dadka ka qayb qaata dhaxdhaxaadinta iyo khubarada arrimaha qalalaasooyinka si looga wada hadlo jawi lagu abuuri karo duni nabdoon.

Sida uu ogaaday Dawan TV, Madaxweyne Xasan ayaa u sii gudbi doona dalka Switzerland, isaga oo halaas uga qayb geli doona shir ku saabsan nabadda caalaamka, kaas oo qabsoomi doona 15 iyo 16 bishan June.

Shirkan oo ay kasoo qayb geli doonaan dowlado badan iyo hay’ado caalami, waxaana inta badan diiradda lagu saari doona dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here