Saturday, November 23, 2024

Xasan oo Sacuudiga uga qaybgelaya shir looga hadlayo dagaalka Gaza

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umba baxaya maanta Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo ay isagu imaanayan madaxda wadamada Carabta iyo Islaamka kaas oo looga hadlayo dagaalka ay Israel ka waddao in ka badan hal sano marinka Gaza ee kusii fiday dalka Lubnaan.

Maanta oo Axad ah waxaa Riyaad ka dhacaya kulan heer wasiiro ah oo lagu diyaarinayo qorsahaha iyo go’aamada la filayo in laga soo saaro shirka, berrina waxaa qabsoomi doona shirka madaxeedka inkasta oo dalalka qaarkood ay soo dirsadeen kaliya wasiiro.

Shirka heer wasiir waxaa Soomaaliya ku metelaya, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan safiirada Jaamacadda Carabta iyo ururuka Islaamka.

Shir-madaxeedkan oo diiradda saaraya xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka, ayaa ujeeddadiisu tahay in la qiimeeyo natiijooyinkii iyo qodobbadii kasoo baxay shir-madaxeedkii hore, lana sii wado dadaallada xabbad-joojinta ah, iyo fududaynta sidii gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka Falastiiniyiinta ee dhibaatadu kasoo gaartay dagaalka Israel

Sacuudiga ayaa martigeliyay sanadkii hore shir nuucaan oo kale ah mana jiro wax wayn oo ka ka hirgalay go’aamadii laga soo saaray oo u badnaa cambaareyn iyo codsi loo jeediyay dunida si loo joojiyo dagaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here