Monday, September 16, 2024

Xasan oo faray ciidamada tababarka u jooga Ereteriya u diyaar garowga dagaalka A S

Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga maalintii labaad dalka Ereteriya ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka, isaga oo ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyanaha ayaa faray ciidamadaan in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen ciidamada qaranka ee kula jira dagaalka kooxada Al-shabaab.

Madaxweynaha dalka Ereteriya, Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku weheliyay Madaxweyne Xasan kormeerka iyo u kuur galka uu ku sameeyay ciidankaan.

Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yemane G. Meskel ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uga mahadceliyay dalka Ereteriya, sida ay uga qeyb qaadato dib u dhiska ciidanka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Dowladda Ereteriya ayaa Soomaaliya u tababarta ciidan tira badan kuwaas oo qaar ka mid ah dalka lagu soo celiyay kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xeeldheerayaasha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa u arka ujeedka booqashadaan Madaxeynaha oo ah tii afaraad ee uu ku tago Asmara, sidii loosoo dedejin lahaa ciidamada tababarka u jooga Ereteriya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab oo xoogeystay bilihii lasoo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here