Sunday, September 8, 2024

Xasan Sheekh: Itoobiya waxey iga hor istaagtay ka qeyb galka shirka Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii ku eedeeyay ciidamada ammaanka Itoobiya inay ka hor-istaagaan inuu ka qeyb galo shirka madaxeedka Midowga Afrika, isaga oo tallaabadaas ku tilmaantay mid daandaansi ah.

Eedaynta Xasan Sheekh u jeediyay Itoobiya ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Addis Ababa iyo Muqdisho ay ku muransan yihiin heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland oo dhigaya in dalka aan badda lahayn uu heelo bad uu ganacsi iyo ciidan u adeegsado.

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Itoobiya ay ka xireen waddada xilli uu u socday inuu ka qaybgalo kulanka albaabadu u xiranyihiin ee madaxda Afrika, isaga oo intaas raaciyay inuu mar kale isku dayay inuu raaco gawaarida uu watay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, balse laga hor istaagay inay gudaha u galaan Xarunta Dhexe ee Midowga Afrika.

Maxaxweyne Xasan ayaa intaas raaciyay in askari qori sita uu ka hor istaagay inay galaan halka uu shirku ka dhacayay.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo sarartay arrintaan ayaa tiri, “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga daandaansiga ah ee ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka Afrika”

Wasaaraadda ayaa raacisay “Tallaabadan waxay xadgudub ku tahay dhammaan hab-maamuusyada diblomaasiyadeed, kuwa caalamiga ah iyo dhaqanka soo jireenka ah ee lagu aas-aasay ee Midowga Afrika,”

Warsaxaafadeedka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu yiri, “Maadaama ay xarunta Midowga Afrika ku taalo Itoobiya, waxaa waajib ku ah hoggaankeeda iyo Dowladeeda inay si isku mid ah ula dhaqmaan dhammaan madaxda Afrika.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Midowga Afrika in uu sameeyo baaritaan deg-deg ah, lagu kalsoonaan karo oo madax-bannaan kaas oo ku saabsan falka lagula kacay Madaxweynaha Soomaaliya.

Horaantii bishii January ee sannakan ayay ahayd markii ay xiisad ka dhex aloosantay Muqdisho iyo Addis Ababa, ka dib markii ay heshiis is-afgarad ah kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya kaas oo loogu gogol xaarayo in deked iyo saldhig ciidan ay Itoobiya ka hesho xeebaha Soomaaliya.

6-dii January, Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa ku saxiixay sharci ay Baarlamaanka Soomaaliya ku buriyeen heshiiskaas oo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah qaranimada iyo madaxbannaanida Dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here