Sunday, September 8, 2024

Xasan Sheekh iyo Antony Blinken oo kawada hadlay amniga gobolka

Washington (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken in ay kuwada hadlen qadka telefonka (lama sheegin xilliga).

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ayaa kawada xaajooday arrimaha amniga Geeska Afrika oo ay ku jirto baahida loo qabo in la yareeyo xiisadda ka taagan gobolka, in diiradda la saaro la dagaallanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha bixitaanka howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday kaalinta muhiimka ah ee Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here