Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh iyo Erdogan oo ka wada hadlay colaadda Bariga Dhexe

Istanbul (Dawan)- Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo Jimca ah ku qaabilay magaalada Istanbul Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada dal.

War kasoo baxay Villa Somalia, ayaa lagu yiri ” Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku salleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada”.

Wakaaladda Wararka Anadolu oo soo xiganeysa madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ay kawada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo colaadda ka taagan Bariga Dhexe

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhaqaalaha,Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Hay’adaha samafalka ee Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala gudaha Soomaaliya, waxayna gacan ka geysteen ka hortagga macluushii laga casbi qabay sannadkii 2022, kadib markii ay dalka soo wajahaday abaartii ugu darneed muddo afartan sano ah.

Xiriirka Turkiga ee qaaradda Afrika ayaa kordhay tan iyo markii Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka uu hoggaanka u qabtay dalkaas, waxaana Turkigu usoo bandhigay Afrika xiriir ku dhisan ixtiraam, iskaashi iyo guul labada dhinac ah .

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels  uga qeyb galay shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya, wuxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlay guulaha ay dowladdu kasoo hoysay dagaalka ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab.

Shirka waxaa looga dooday arrima badan oo ay ma mid yihiin, Tamarta, Waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha digital-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here