Sunday, September 8, 2024

Xasan Sheekh oo dacwad ka dhan Itoobiya horgeyn doona Midowga Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaary Magaalada Addis Ababa ee caasimaadda Itoobiya, si uu uga qeyb galo meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

“Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wada in ka jeediyo shirka khudbad uu uga hadlaayo xaaladda guud ee dalka, dagaalka Al-Shababaab iyo xiisadda ka dhax taagan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed, sida ay Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh safar ku tago Itoobiya tan iyo markii uu dhacay heshiiski badda ee Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishii January 2024.

Ajendaha shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika

Ajendaha shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika oo lagu wado inuu dhaco 17 iyo 18 bishaan February ayaa inta badan diiradda lagu saarayaa arrimaha maamulka oo ay ku jiraan dib-u-habaynta qaab dhismeedka Midowga Afrika oo 60 jirsaday, arrimaha miisaaniyadda, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, barnaamijyada waxbarashada ee sayniska iyo tignoolajiyada iyo sidoo kale sinnaanta jinsiga.

Sida ka muuqata ajendaha shirka, waxay Madaxda Afrikaanku indhaha ka qabsanayaan dagaallada iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira Qaaradda Afrika, sida colaadaha Itoobiya, Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, arrimaha Dowladaha Galbeedka Afrika, dhibaatada biyaha Wabiga Nile iyo khilaafka xoogaan ee ka dhax jira Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here