Saturday, September 21, 2024

Xasan Sheekh oo ka baaqanaya sanadki 2aad shirka Golaha Guud ee QM

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hoggaamin doona wafdiga Soomaaliya ku metelaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu wado inuu billawdo 24ka bishaan September.

“Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri; warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xukuumadda.

Arrintan ayaa ka dhigan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqan doono kulanka Qaramada Midoobay sanadki labaad oo xiriir ah. Xilligaan oo kale sanadki hore waxa uu ku mashquulsana dagaalka ay dowladdu kula jirtay Al-shabaab oo marayay meel xasaasi ah.

Sanadkan waxaa leeyahay waxa uu baaqday xiisadda Koonfur Galbeed oo hadda isfahan laga gaaray iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo 25-ka bishan September, iyada oo shirkaas looga hadli qodobo muhiim u ah siyaasadda madaxweynaha.

Halku dhigga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” taas oo loola jeedo in si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa uga hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Wafidga waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Deegaanka iyo isbedela cimiliada, Khadiija Maxamed, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Xirsi Jaamac iyo howlwadeeno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sida caadiga ah Abuukar Cismaan oo ah Wakiilka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay ayaa ah xubin ka tirsan wafdiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here