Monday, September 16, 2024

Xasan Sheekh oo ka baaqday daah furka ololaha Raila Odinga

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday munaasabadda lagu daah furayo ololaha murashaxnimada Raila Odinga ee xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo maanta ka dhaceysa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)

“Jadwalka Madaxwaynaha ayaa u saamixi waayay in uu ka qaybgalo shirkan” sidaas waxaa u sheegay Dawan TV Cali Balcad

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa hore u xaqiijisay in dhammaan madaxda dalalka Bariga Afrika (EAC) lagu casuumay munaasabaddan iyada oo warbaahinta dalkaas ay qortay inay kasoo qayb geli doonaan ugu yaraan madaxda shan dal oo uu ku jiro Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aanka Soomaaliya ayaa ah inay taageerto Maxamuud Cali Yuusuf oo ah murashaxa Jabuuti ee u taagan xilka ugu sareeya ururka Midowga Afrika, iyada oo laga yaabo inay noqoto dalka kaliya ee ka tirsan EAC ee garab istaaga Jabuuti.

EAC oo dhidibada loo taagay sannadkii 2000 waxaa ku mideysan siddeed dal oo kala Kenya, Uganda, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Burundi, Rwanda iyo Koonfurta Suudaan.

Soomaaliya ayaa ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii December ee lasoo dhaafay ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa hore isagu soo taagtay xilkan balse markii ay taageero ka waysay madaxda sare waxay door biday inay taageerto murashaxa Kenya ee Raila Odinga, sida ay ku baahisay qoraal ay soo dhigtay barteeda X.

Waxaa si rasmi ah magacyadooda usoo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.

Ururka qaarareedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Sida qorshuhu yahay , kaltanka doorashada soo socota waxa uu u gaaryahay murashaxiinta Bariga Afrika, waxaana xilka laga soo wareejin doona siyaasiga ruug-caddaaga ah ee u dhashay Chad kaas oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2017.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here