Friday, October 18, 2024

Xasan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Agaasimaha Sirdoonka Turkiga

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kaalin oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimid Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimadeenna” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

War-saxaafadeedka Villa Somalia waxaa lagu soo gabagabeeyay ” Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo ladagaallanka argagixiaada”.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kaalin, ayaa kulanka madaxweynaha ka hor kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”  waxeyna kawad hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee labada dhinac.

Dhowaan waxaa Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho soo gaaray Markabkab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo qeyb ka ah dhaqan gelinta heshiiskii ay labada dal ku kala saxiixdeen ee ku saabsanaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday horraantii bishii February heshiis dhanka difaaca ah oo ay dowladda Turkidu ku ilaalineyso badda Soomaaliya muddo tobon sano ah.

Heshiiskan ayaa dhacay hal kadib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland, kaas oo suurta gelinya in ay hesho 20km oo xeebaha Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here