Sunday, November 24, 2024

Xasan Sheekh oo marki 6-aad booqanaya Asmara

Muqdisho (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasab Sheekh Maxamuud uu maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eretria oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Xasan uu dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa bishii January ee lasoo dhaafay booqasho ku tegay Eritrea oo ay ku tababartaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Soomaaliya, waana marki lixaad ee uu booqdo Asmara tan iyo markii dib loo doortay 15 May 2022.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel  ayaa bartiisa X kusoo qoray in Madaxweyne Isaias Afwerki uu martiqaad u fidiyay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo raaciyay in booqashada Xasan Sheekh ay qaadan doonto laba maalin.

Marxaladda cusub ee xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Cumar Idiris, 17-kii bishii November ee lasoo dhaafay, isaga oo noqday Safiirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya u dirto Asmara.

 Magacaabista Safiir Cumar Idiris ayaa  muujisay marxalad taariikhi ah oo ku aaddan muuqaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Wadashaqeynta u dhaxeysay Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku koobaneed xiriir diblomaasiyadeed, inaksta oo ay Eritrea ay door muhiim ah ka ciyaareesay tababaridda Ciidamada Soomaaliya, seddexdi sanoo ee lasoo dhaafay, taas oo keentay in ay ka qalin jabiyaan xarumaheeda tababar in ka badan 5, 000 oo askari oo Soomaali ah kuwaas oo isuga jira dhinacyada kala duwan ee Ciidanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here