Sunday, September 8, 2024

Xasan Sheekh oo safar shaqo ku tegay Kenya

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tegay dalka Kenya kadib maalmo kooban uu Muqdisho ku sugnaa kadib safarkiisi Sacuudiga.

“Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane Wilam Ruto oo ay kaga arrinsanayaan , iskaashiga labada dal ee ciribtirka argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka, xasilloonida iyo nolosha shucuubta gobolka iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri, qoraal ay baahisay Villa Somalia.

Mar dambe, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya, waxaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen hindiseyaal wada jir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada iyo amni darrada guud ee gobolka.

“Kenya waxa ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay Soomaaliya kala shaqeyso sidii loo sii horumarin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka si aan u helno barwaaqo” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah , iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiimka ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya , waxayna si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Kenya isku dayday in ay dhaxdhaxdiso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya si xal looga gaaro khilaafkii ka dhashay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here