Friday, October 18, 2024

Xasan Sheekh oo saxiixay nuqulka rasmiga ah ee wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Kaliya hal maalin ayay ku qaadatay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxiixo nuqulka rasmiga ah ee cutubyada Dastuurka ee lagu sameeyay wax ka bedelka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweyne Xasan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray, “Waxaan maanta saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

“Dhammeystirka Dastuurku waxuu aas-aas u yahay dib u dhiska hay’adaha dowladnimada Soomaaliyeed, horumarinta dimuqraadiyadda, sinnaanta iyo caddaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed, xoojinta iskaashiga, maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah” ayuu qoraalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga soo horjeeda wax ka bedelka Dastuurka ayaa is weydiiyay Nuqulka uu Madaxweynuhu saxiixay, isaga oo yiri; ” Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9-ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri; Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay? Madaxweynayaasha dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay tahay markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo, waxa uuna hadalkiisa kusoo gunaanaday ” Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana daangaystayga ah.?

Baarlamaanka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka lagu sameeyay cutubka 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah, inkasta oo ay qaar ka mid ah siyaasiinta mucaaradka iyo Puntland ka hor yimideen anisxinta Dastuurka.

Qodobada khilaafku ka jiro ee isbedelka lagu sameeyay, waxaa ka mid ah iyada oo laga guurayo hannaanka Baarlamaanka loona guurayo hannaan madaxtooyo, waxaana si toos ah madaxweynaha usoo dooran doona shacabka.

Isbedelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ayaa sidoo kale qeexaya in madaxweynuhu magacaabi karo sidoo kalena xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha iyada oo aan loo baahan Baarlamaanka.

Muddada xilheynta hay’adaha la doorto ayaa laga dhigay shan sano, sida lagu xusay nuqulka kamadambeysta ah ee Dastuurka.

Go’aan kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay kala noqotay qoonsigii iyo kalsoonidii hay’addaha Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay, iyada oo si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaaarke oo uu wehliyo Xildhibaan, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in qalalaase kasta oo ka dhaca Soomaaliya ay mas’uuliyadiisa qaadi doonaaan Madaxxweynaha iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, iyaga oo cadddeeyay in aysan u haggaansami doonin wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka, taas bedelkeedana ay aqoonsanyihiin kaliya Dastuurkii kumeel gaarka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here