Sunday, September 8, 2024

Xasan Sheekh: Waxaan la wareegeynaa mas’uuliyadda amniga 15 bilood gudahood

Asmara (Dawan)- Madaxweeynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamud oo booqasho laba maalin ah ku tegay Eritrea, ayaa wareeysi siiyey warbaahinta gudaha ee dalkaas, isaga oo ka hadlay dhowr arrimood.

Madaxweynuhu waxa uu si qota dheer ugu hadlay xiriirka labada dal oo u ku tilmaamay in uu yahay mid soo jireen ah ilaa lagasoo bilaabo xilligi ay Eritrea qaadatay xorriyadeeda, isaga oo caddeeyay inuu xiriirkaas yahay mid adag xilligaan la joogo.

Waxaa wax laga waydiiyey arrimaha ay labada dal iska kaashananaayn xilligan kuwa ugu muhiimsan, waxa uu madaxweeynahu tilmaamay seddex qodob kuwaas oo kala ah dhanka amniga, arrimaha Diblomaasiyadda iyo ka shaqeeynta isku heynta iyo is dhax galka Gobolka, inkasta uusan qodobkan dambe si faah faahsan uu sii uga hadlin.

Waxa uu sidoo kale wareeysiga lagu waydiiyey, dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab, wuxuuna Madaxweynuhu sharraxaad ka bixiyay qaabka ay dowladdu u wajaheyso dagaalka ay kula jirtox Al-shabaab iyo sida ay uga go’antahay in ay wiiqdo awooda Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xeeladda ay dowladdiisa la timid, iyada oo Al-shabaab kala dagaalamayso dhinaca fikirka, maaliyadda iyo ciidanka , isaga oo xusay in goobo ballaaran laga qabsaday Al-shabaab tan iyo markii uu dagaalka tooska ah billaawaday.

Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay arrinta bixitaanka ATMIS, wuxuuna sheegay in ay dalka ka bixi doonaan 15 bilood gudahooda taas oo keeneysa in ciidanka Soomaaliya ay si dhameystiran ula wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo dowladda Eritrea oo Soomaaliya ka caawisa tababarka iyo dib u dhiska qeybaha kala duwan ee ciidamda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here