Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo qayb ka mid ah khudbaddiisa uga hadlay is-afrgadkii badda ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen billowgii sanadkaan.
Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay kusoo laabtaan hannaakii wada hadalaldii u socday labada dhinac iyo arrimihii lagu heshiiyay ka hor is-afgaradka ay la gaaren Itoobiya.
“Waxaan baaqayga markale u dirayaa Walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan una noqdaan jidikii aan isla jeexnay ee laba maalmood hor saxiixa is-afgaradka ah, sharci darrada ah intaan la saxiixin” ayuu yiri; Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka wada hadalladu uu yahay dariiqa kaliya ee u furan labada dhinac ayna ku jirto badbaadada dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo iska leh go’aanka midnimada iyo kala tagga, wuxuuna yiri; ” “Haddii aan wadajireyno iyo haddii aan kala tagayno, waa howl u gaar ah oo khuseysa oo kaliya dadka Soomaaliyeed. Nagama jirto meela kale iyo Ajnabi midna”