Sunday, September 8, 2024

Xasan: Waxaa iga go’an inaanan siyaasadeynin wada shaqeynta labada heer dowladeed ee Federaalka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’antahay inuusan siyaasadeynin wada shaqeynta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isaga oo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada xusuusiyay inaysan siyaasadeynin arrimaha masiiriga sida midnimada, wadajir dalka, madax-bannaanida iyo gobanimada siyaasadeed ee dalka.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay war-murtiyeed uu uga hadlayay xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada kaas oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Villa Somalia.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu” ayaa lagu yiri, war-murtiyeedka

Madaxweynuhu waxa uu xusay in guulo waaweyn laga soo hooyay labadii sano ee ugu dambeysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dib u-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan ma xusin mana qirin jiritaanka khilaaf dowlad goboleedyada kala dhaxeeya balse waxaa lawada ogyahay in sababo siyaasadeed uu u qabsoomi waayay shirkii ay madaxtooyadu ku baaqday ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu madlanaa inuu dhaco 20 iyo 21-ka bishaan April.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku sugan halka uu madaxweyanaha Jubbaland uusan soo gaarin wali Muqdisho.

Puntland ayaa hore u shaacisay in Siciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeyb geli dooni shirka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here