Sunday, September 8, 2024

Xayiraad lagu sameeyay Akoonka Bangiga ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaaca ka qaaday in baaritaan lagu sameeyay Akoonka Bankiga ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) laguna joojiyay amar Maxkamadeed shan maalin ka hor.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in SJS ay diiwaan gelinta xisaabaadka u adeegsatay shati been abuur ah oo lagu eedeeyay dambiyo la xiriira xeerka ciqaabta dalka iyo sharciga warbaahinta.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), loona adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah” ayaa lagu yiri, bayaanka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha

Xafiiska ayaa intaas raaciyay inuu kiiska u gudbin doono maxkamadda marka uu dhameeyo baaritaanka, si waafaqsan sharciga.

Tillaabadaan ayaa timid maalin kadib markii ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS uu soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo amarka maxkamadda, isagoo ku sifeeyay xayiraadka xisaabaadka ay ku leeyihiin bankiyada mid sharci darro ah, ujeedaduna tahay in lagu carqaladeeyo howlaha ururka.

SJS waxa ay sheegtay in ay 13-kii bishaan April heshay warqad ka timid bangiga ay ku leeyihiin akoonka taas oo lagu ogeysiinayo in fatashaad lagu sameeyay dhaqdhaqaaqooda dhaqaale kadibna lagu xiray amar maxkamadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here