Sunday, September 8, 2024

Xeer ilaalinta oo racfaan ka qaadatay xukunkii musuqa

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunno ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku bari yeeshay eedeysanayaal loo heysto musuq-maasuq.

Tillaabada xeer ilaalinta ayaa timid kadib markii maanta ay Maxkamaddu go’aanmisay in la sii daayo 5 eedeysane oo lagu waayay wax dembi ah oo la xiriira musuq-maasuq.

Lix kale ayaa lagu xukumay muddo xabsi oo ay u dheertahay 9 sano una yartahay 8 bilood.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa hore ugu soo eedeeyay 11-kaan qof oo isagu jira Agaasimayaal, madax qeybeedyo iyo shaqaale ka kala tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Socdaalka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ballan qaaday in uu sii dardargelin doono dagaalka ka dhanka ah denbiyadda Musuq maasuqa, been abuurka dukumintiyada iyo wax isdaba marinta.

Dhageysiga maxkamadda oo toos warbaahinta looga daawanayay ayaa qaadatay muddo bil kabadan, waxaana lawada sugaayay natiijada Kiiskan oo noqonaya kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca marka loo eego baaxadda eedeymaha, tirada eedeysanayaasha iyo qiimaha hantida loo heysto

Natiijada kiiskan ayaa sidoo kale loo arkaa in ay saameyn weyn ku yeelaneyso laba qeybood oo kamid ah dowladda Soomaaliya; Waa tan horee, waxay imtixaan u tahay awoodda iyo madax bannaandia garsoorka Soomaaliya oo lagu qiimeyn doono sida ay u maareeyaan kiiskan iyo tan labaad oo ah xal u helidda boobka hantida dowladda oo wax caadi ah ka noqtay hay’adaha dowaladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here