Monday, November 25, 2024

Xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Qaahira ku Wajahan

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadada berri ah booqasho rasmi ku tagaya magaalada Qaahira ee dalka Masar. Booqashadaan ayaa ku soo aaday iyada oo ay wadahadallo xilligoodii laga soo hormariyay ay Soomaaliya iyo Ethiopia uga furmeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Labada dal ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi dhanka difaaca ah, iyada oo wasiirradda gaashaandhigga labada dhinac ay qalinka ku duugi doonaan, Xasan Sheekh iyo Al-siisiina ay xaadir ka ahaan doonaan.  Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa heshiiskaan meel mariyay balse nuxurka heshiiskan lalama wadaagin warbaahinta.

Saraakiil ka socda taliska Ciidanka Xoogga, wasiirka gaashaandhigga, taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah booqashadan.

Waftiga Xasan ayaa Masar ku sugnaan doona maalmaha 13,14 iyo15 ka bishan oo ah maalmo uu ra’yulcaamka Soomaalida hareyn doono natiijada wadahadallada Soomaaliya iyo Ethiopia ee Turkiga ka socda.

Ethiopia iyo Masar waxaa ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah oo salka ku haya dhismaha biya xireenka Al-Nahada oo hoos u dhigaya qulqulka webiga Niil oo beeraleeyda Masar ku tiirsan yihiin. Ethiopia ayaa dhanka kale Somaliland la gashay heshiis is afgarad u oggolaanaya inay gaaraan badda, taas oo Soomaaliya ka careysiisay, iskuna soo dhoweysay Soomaalida iyo Masaarida oo ka duulaya mabda’a ah “Cadowga cadowgeyga waa saaxiibkeey”.

Hadaba, isku soo aadka booqashada Xasan ee Qaahira iyo wadahadallada Ankara side ayey isku saameyn doonaan? Ma waddada Qaahira is difaacidda iyo gaashaan-buursiga ku dhisan mise waddada Ankara ee wadahadalka iyo wax isku ogolaanshaha ku dhisan?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here