Thursday, September 19, 2024

Xiisadda gobolka..Abiy oo wacad ku maray difaacidda qaranimada Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa carrabka ku dhuftay sida ay dadkiisa uga uga go’an tahay difaacidda qaranimada iyo madaxbannaanida dalkooda isagoo dhinaca kale sheegay in dalkiisu aanu waligiis ku duulin waddan kale, balse uu mar walba iska difaacyay khataro dibadda uga yimid, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay munaasabadda dabaaldega “Maalinta Qaranimada,” oo ku beegan 8-da September, oo la dhigo bisha Saddex iyo Tobnaad ee taariikh tirsiga dalka Itoobiya .

“Magaca Itoobiya waxa uu muddo dheer ku lammaana sharaf heer sare ah iyo xorriyad. Intii ay jirtay Itoobiya waxay ilaashatay dowladnimadeeda, weligeedna dal kale kuma duulin” waxaa sidaas yiri; Abiy.

Abiy waxa uu intaas ku daray in madax-bannaanida Itoobiya aysan ku koobnayn kaliya xuduudaheeda balse helidda cunta ku filan, tignoolajiyada, iyo miisaaniyadda qaranku ay lama huraan u yihiin barwaaqada dalka.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, kaddib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho bad.

Inkasta oo aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalo dhex dhexaadin ah oo Turkiga ka dhacay laba jeer, haddana waxaa la filayaa in wareeg saddexaad oo wadahadal ah la isagu yimaado dabayaaqada bishan.

Abiy wuxuu xusay rabitaanka Itoobiya ee ah inay xiriir nabadeed la yeelato wadamada kale, laakiin wuxuu ku goodiyay “Kama waaban doono inaan dhegta dhiiga u darno kuwa doonaya inay nagu soo xadgudbaan.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here