Monday, September 16, 2024

Xiisadda gobolka… Masar oo dacwad ka gudbisay Itoobiya

Qaahira (Dawan)- Dowladda Masar ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo oo ay uga soo horjeedo dhamaystirka biya-xireenka wabiga Nile, iyada oo ka cabsi qabta inuu saamayn ku yeesho saamiga biyaha ay ka helaan wabiga.

Dhowr jeer oo ay dowladaha Masar, Itoobiya iyo Suudaan ay ka shireen xallinta khilaafka biya-xireenka ayaa fashil kusoo dhamaaday.

Biyo-xireenkaan ayaa laga sameeyay  Blue Nile-ka  gaar ahaan Gobolka Benishangul-Gumuz, oo qiyaastii 30 km u jira xudduudda Suudaan.

Dhererka Biya-xireenka ayaa lagu sheegay 1.8 km, halka joogisu gaarayo  145 mitir.

Bishii Febraayo 2022, Itoobiya ayaa  si rasmi ah u billaawday inay koronto kasoo saarto  Biya- xireenkaan oo ay ku baxday lacag gaareysa  afar bilyan oo doolar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here