Monday, September 16, 2024

Xiisadda gobolka oo saameyn ku yeelatay kulamadii Golaha Shacabka

Muqdisho (dawan)- Waxaa baaqday maanta kulankii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Farriin lala wadaagay xildhibaanada baarlamaanka iyo warbaahinta ayaa lagu sheegay in kulankii maanta ee loo madalsanaa inuu baaqday, balse lama raacin sababta baaqashada kulanka.

Kulanka Golaha ee baaqday maanta ayaa ajandihiisu ahaa in looga hadlo akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliyeed.

Kulankii Golaha ee qabsoomay maalintii Sabtida, waxaa ka dhashay buuq badan oo siyaasadeed, kadib markii xildhibaano katirsan baarlamaanka ay taageereen joogitaanka ciidamada Itoobiya, halka ay ka biyo diideen imaanshaha ciidamada Masaarida ee la filaayo inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta cusub ee sannadka soo socda.

Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ka mid ahaa xildhibaanada taagerada u muujiyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa xilkiisi uu ka hayay Villa Somalia ku waayay arrintan darteed.

Xildhibaan Cabdirishiid ayaa ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsanaa Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada, waxaana xilkan loo magacaabay 1-dii April ee 2024

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here