Thursday, September 19, 2024

Xiisadda gobolka.. Soomaaliya oo sii wadda dagaalka dublomaasiyadda

Qaahira (Dawan)- Magaalada Qaahira waxaa ka dhacay kulan gaar ah uu shirgudoomiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan Geeska Afrika ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankan waa kii seddexaad oo uu yeesho guddi ay Jaamacadda Carabtu u xilsaartay taageerada madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland billowgii sanadkan 2024.

Guddiga waxaa xubno ka ah wasiirada arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Boqortooyada Baxreyn, Mauritania, Masar iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa kulanka Axmed Aboul Gheit Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

“Iyadoo la tixraacayo qaab-dhismeedka fulinta Qaraarkii Golaha Jaamacadda ee tirsigiisu ahaa 8988, kuna taariikhaysnaa 01/17/2024, lana tixgalinayo natiijadii ka soo baxady shir madaxeedkii Carabta ee Baxrayn, wasiiradu waxay adkeeyeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in Carabtu ay si buuxda u garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya si looga hortago xadgudub kasta oo ka dhan ah madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed” Sidaas waxaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

War-saxaafadeedu waxa uu intaas raaciyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marka la eego Axdiga Jaamacadda Carabta iyo mabaadi’deeda iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Arrintan waa tillaabo kale oo Soomaaliya ay ku dooneyso inay cadaadis dublomaasiyadeed ku saarto Itoobiya, iyada oo dhawaan lagu ballansanyahay wareegga seddexaad ee wadahadallada Muqdisho iyo Addis Ababa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here