Sunday, September 8, 2024

Xilka cusub ee loo magacaabay Cali Jeyte masoo afjari doona khilaafkii Hirshabeelle?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabey inuu noqdo U qeybsanaha xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Cali Jeyte ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay dagaalkii gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada dowladda oo kaashanaya Macaawisley iyo kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Cali Jeyte ka qaaday xilkii Gudoomiyihaha Gobolka Hiiraan bishii June ee lasoo dhaafay, taas oo keentay in khilaaf xooggan soo kala dhex galo madaxda Maamulka.

Cali Jeyte ayaa ka horyimid xil ka qaadista wuxuuna ku dhawaaqay inuu maamul cusub u sameynayo gobolka Hiiraan.

Khilaafka Jeyte iyo madaxda Hirshabeelle ayaa sababay in hakad ku yimaado dagaalkii lagula jiray kooxda Al-shabaab gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan bishii September ee tagtay, isaga oo la kulmay siyaasiyiin uu ku jiro Cali Jeyte , waxgarad iyo odayaasha dhaqanka kasoo jeeda deegaankaas, waxaana la isla gartay in wixii khilaaf ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal, lana dardargeliyo dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab.

Cali Jeyte Cismaan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo sida kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana hadda laga sugaya inuu isku dubarido xoogaga Macaawisley oo garab u ah ciidamada dowladda marka la eego dhinaca dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Xilkaan cusub ee loo magacaabay Cali Jeyte masoo gabagabeyn doona khilaafkii ka taagnaa maamulka Hirshabeelle?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here