Saturday, September 7, 2024

Xiriirka Kubbadda Cagta oo soo bandhigay Tababaraha cusub ee 18-jirada

Muqdisho (Dawan)- Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Tababaraha cusub ee Xulka 18-jirada Qaranka, oo dhawaan ka qeyb geli doona tartanka Da’yarta ee ku qabsoomaya dalka Kenya.

Tababarahaan oo lagu magacaabo Cumar Axmed Maxamed, kuna magac dheer “Macallin Jabshe” ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Faynuus iyo Dekedda, wuxuuuna khibrad dheer u leeyahay kubadda cagta iyo soo saaridda xiddigaha da’da yar ee kubadda cagta.

Xogahayaha guud ee Xiriirka kubbadda Cagta, Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa guul iyo nasiib wanaagsan u rajeeyay Tababaraha cusub, Kaaliyaashiisa iyo Xulka Qaranka Da’yarta, isagoo bahda kubbadda cagta ugu baaqay in si wnaaagsan ay ula shaqeeyaan Macallin Jabshe.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-jirada Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa dadaal badan ku bixiyay in Xulka Soomaaliya, qeybihiisa kala duwan ay ka qeyb galaan tartamada caalamiga ah ee kubadda cagta, taas oo keeni karta in Soomaaliya ay kasoo hoyso guulo tartamada kala duwan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here