Monday, September 16, 2024

Xisbi xaakimka Jabuuti oo 45 jirsaday iyo Geelle oo ku baaqay shaqo joogto ah

Jabutii (Dawan)- Waxaa Jabuuti lagu qabtay munaasabad weyn oo lagu xusayay sannad guuradii 45-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay xisbi xaakimka Jabuuti ee RPP.

Madaxweynaha Jabuuti, ahna guddoomiyaha xisbiga, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu uga hadlay taariikhda xisbiga markii dhidibada loo taagay bishii March 1979-kii, guulihii la gaaray intii uu hoggaaminayay talada dalka iyo qorshaha u yaal hadda si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in xisbigu ka qeyb qaatay in laga gudbo kala qeybsanaanta ku dhisan qabyaaladda, isirka iyo danaha gaarka ah.

Geelle waxa uu sheegay in ay adagtahay in Xisbi uu jiro 45 sano balse ay arrintaas ku timid isku xirnaanta xubnaha xisbiga, mabaadi’da xisbiga ee xoogga saareysa midnimada iyo horumarka qaranka Jabuuti.

“Aabbayaashii dhidibada u taagay xisbiga, waxa ay doonayeen in ay xisbiga ku aas-aasan meel ka caagan kala qeybsanaanta, waxeyna u doorteen Dikhil oo caan ku ah midnimada iyo wada jirka” ayuu yiri, Geelle.

Madaxweyne Geelle waxa uu sharraxay mabaadi’da  guud ee xisbiga ee ku dhisan qiyam sare iyo hufnaan lagu kalsoonaan karo loogna soo gudbay caqabado badan oo dalka soo wajahay.

Sida uu sheegey Geelle ku-dhaqanka mabaadi’daas  ayaa xisbiga  u horseeday inuu kalsooni ka helo dadweynaha Jabuuti ee doonaya horumar waara iyo midnimo adag.

Madaxweyne Geelle, waxa uu dhinaca kale tilmaamay in ay jiri karaan khaladaad dhacay iyo arrimo aan laga mira dhalin, waxa uuna ugu baaqay madaxda iyo xubnaha xisbiga in lasii laba jibbaaro shaqada iyo dadaaalka ay hayaan si loo gaaro horumar dhinac walba ah

“Guulaha is daba joogga ah ee aan gaarnay 45-tii sano ee lasoo dhaafay micnaheedu ma aha inaan seexan karno, sidoo kale micnaheedu ma ahan inaan heysano xasaanad aan kusii joogi karno weligeen” ayuu yiri, Madaxweyne Geelle.

“Waxaan ugu baaqaya  hoggaamiyayaasha xisbiga,  hawlwadeennada iyo xubnaha  xisbiga feejignaan dheeraad ah, filasho badan, mas’uuliyad wadareed iyo  shaqo badan” ayuu raaciyay Geelle hadalkiisa.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu intaa ku daray in barnaamijkii siyaasadeed ee  dalku qaatay  2003 ee ahaa xisbiyada badan in uu keenay in dalku uu galo xasilooni siyaasadeed iyo in  dimoquraadiyaddu ay baahdo.

Xisbiga RPP ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa u qorsheysan inuu ka mira dhaliyo “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad lagu doonayo in lagu gaaro horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Munaasabadda lagu xusay aas-aaska xibiga RPP, waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka kala socday ururadda asxaabta, FRUD, PND, PSD, UPR iyo marti sharaf kale oo ballaaran.

Sidoo kale, waxaa goob joog ahaa munaasabadda wafuud ka timid dalalka Itoobiya,  China, Kenya iyo Rwanda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here