Nairobi (Dawan)- Haashim Dhaqane Muxumed, oo ah eedeysane loo haysto ku lug lahaansha dilal argagax leh oo dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa qirtay inuu si toos ah ugu dambeeyay dilka Deeqa Cabdinuur Qorane. Meydka Deeqa ayaa bishii hore laga helay qabuuraha Lang’ata, iyada oo baaritaanno ay boolisku sameeyeen lagu ogaaday faahfaahino hor leh oo ku saabsan dhacdada.
Booliska ayaa sheegay in Haashim uu ku qirtay inuu dilka Deeqa u adeegsaday si uu u daboolo xog muhiim ah oo gabadhu ogaatay. Deeqa, oo xiriir la lahayd Haashim, ayaa la sheegay inay ka war qabtay dilalka kale ee uu ku lug lahaa, oo ay ka mid ahaayeen Waris Daa’uud iyo laba gabdhood oo kale. Xogta oo Boolisku helay waxay tilmaameysaa in dilalkaas ay la xiriiraan dano gaar ah iyo khilaafyo kale oo kala dhaxeeyay haweeney kale oo loo maleynayo inay amarka bixisay.
Xogta booliska waxay intaas ku dartay in Haashim uu booliska geeyay goobaha uu ku tuuray qaybo ka mid ah jirka Deeqa, hase yeeshee qaybaha qaarkood, sida gacmaha iyo lugaha, ay weli maqan yihiin. Waxaa suurta gal ah in xayawaanada duur joogta ah ay cuneen qaybo ka mid ah jirka Deeqa.
Dilalkan is xigxigay ayaa looga gol lahaa isku dayo lagu tirtiro caddeymaha dambiyo hore oo argagax leh, taas oo Haashim ka dhigtay shaqsi muhiim ah oo bartilmaameed oo fuliya dambiyada qorsheysan. Gabdhaha kale ee la dilay, Aamina Cabdirashiid iyo Nusayba Cabdi, ayaa la rumeysan yahay in loo bartilmaameedsaday si looga hor istaago inay bixiyaan xog muhiim ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas.
Qoyska Deeqa Cabdinuur ayaa hadda sugaya natiijada baaritaanada DNA si loo xaqiijiyo inay iyada tahay meydka la helay, halka baaritaannada kale ee socda ay xoogga saarayaan sidii shakhsiyaad kale oo kiiskan ku lug lahaa loo soo qaban lahaa.
Haashim Dhaqane ayaa lagu wadaa in markale maxkamadda la geeyo 2-da bisha December 2024, halkaas oo uu wajihi doono dacwado culus oo la xiriira dilal si qorsheysan loo fuliyay.
Waxaa isa soo taraya baaqyada ka imaanaya bulshada rayidka iyo qoysaska dhibbanayaasha, iyada oo la dalbanayo sidii caddaaladda loo horgeyn lahaa dadkii ka dambeeyay faalalka dilalkaas.