Sunday, September 8, 2024

Xog: Maxay tahay canshuurta buuqa dhalisay ee dowladdu soo rogtay?

Muqdisho (Dawan)- Canshuurta Gadista: Loollanka sare u qaadidda dakhliga dowladda iyo walwalka sicir barar ka dhasha

Wixii hadda ka dambeeya, haddii aad $100 ku soo adeegato, dowladdu waxay kaa rabtaa $5, si kale haddii aan u dhigno shey walba oo Muqdisho lagu iibiyo sicirkiisa waxaa ku darsamaya %5 oo aan kala sooc lahayn; Qofka gaari gacan ku xamaasha markuu suuqa Galleey ka iibsanaayo iyo marka uu siyaasigu suit ka iibsanaayo carwooyinka.

Canshuurtan waxaa la yiraahdaa canshuurta gadista, waxaana laga qaadaa qofka wax soo iibsada, waxaana waajibinaya sharci number 2 oo soo baxay 1984.

Habka hirgelinta, wasaaradda Maaliyadda waxay Bangiyada bixiya adeegyada mobile-ka lacagaha lagu diro ku amartay in lacag walba oo goob ganacsi loo diro ka jaraan %5, kuna shubaan account ay dowladda leedahay. Arrinkaan wuxuu baalmarsan yahay Qodobka 8-aad ee isla Xeer Sharci nambar 2 ee soo baxay 1984, oo xusayaa in:

“Uruurinta iyo maamulka Canshuurta gadidda waxaa u xil saaran Furdooyinka iyo Xafiiska Canshuarta Berriga ee dadban, iyo laamaha Canshuuraha ee Gobollada iyo Degmooyinka”. Bangiyada dabcan hay’ado dowladeed oo canshuur uruuriya maaha.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iiman Cige oo farriin muuqaal arrinkaan ku shaaciyay ayaa sheegay in dowladdu la timid system si iskiis ah ganacsiyada uga jaraya canshuurta gadista:

” Canshuuraha ka dhasha iibka, ee sida danabasyan u dhaca, ha noqdan kuwa mobil-da ka dhaca, ama ha noqdaan kuwa ka dhaca wallet-yada … meel kasta oo dhaqdhaqaa iib ka dhaco ee hannaanka ku dhaca, inay dowladdu hadda yeelatay hannaan casri ah oo lagu daba galo, lagula socdo, lagu qiimeeyo lagu goosto canshuurta” ayuu yiri; Wasiir Biixi.

Baaristeena waxaan ku ogaanay in sytem-ka ETAS uusan awoodaas lahayn. 10 kun oo POS oo ah aaladaha lacag bixinta oo loogu talagalay inay canshuurtan jaraan oo ay dowladdu horay u shaacisay inay soo iibsatay ayaan hadda la ogeyn halka uu ku dambeeyeen.

Canshurtan waa mid dowladda Federaalka ah qaadeyso laakiin hadda waxay ku waajibeysaa oo kaliya koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waa arrin kale oo su’aal gelinaysa mustaqbalka canshuurtan. Waxaan ku jirin Somaliland, Puntland iyo deegaanada ay Al-shabaab ka taliyaan.

Wasaaraddaa maaliyadda oo aan la xiriirnay kama jawaabin su’aalaheena.

$227.8M oo canshuuraha ka soo xerooday sanadkii hore $34.9M oo kamid ah ayaa ahayd canshuurta gadista. Odoroska dowladda ee canshuurta gadista sanadka soo socda kama muuqato sare u kac xooggan; tusaale 2024 waa 47.2M, 2025 waa 50.6M, 2026 waa 64.3M, 2027 waa $78.8M marka la tixraaco “Khariidadda Dakhliga 2024-2027”, taas oo muujineysa in tallaabdan cusub aysan qorshaha ku jirin.

Xeel-dheerayaasha arrimaha dhaqaalaha ayaa sidoo kale ka digaya burbur ay arrintan ku sababto aaminaadda macaamiisha ee Bangiyada oo ah tiir uu ganacsiga Soomaaliya ku taagan yahay.

Qaar kamid ah Bangiyada oo aan la xiriirnay balse ka cusleystay inaan magacoodda xusno ayaa noo sheegay in ay cadaadis badan kadib ku qasbanaadeen arrintan, ayna dareensan yihiin khatarta ka imaan karta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here