Sunday, September 8, 2024

XOG: Wafdiga Soomaaliya ee wadahadalkii Ankara oo isku khilaafay go’aamada

Muqdisho (Dawan)- Wafdiga dowladda Soomaaliya ee wadahadallada Ankara kula galay Ethiopia ayaa isku khilaafay hannaanka kulamada iyo go’aamada ay qaadaneyso dowladda Soomaaliya.

Ethiopia oo uu matalayay Wasiirkooda Arrimaha Dibadda, Taye Atske Selassie ayaa soo jeedisay laba qodob oo kala ah:

  1. In wadahadallada fool-ka-fool laga dhigo oo labada wafdi is hor fariistaan.
  2. Waxay codsadeen in Kenya iyo Jabuuti lagu soo daro wadahadallada.

Ilo xog ogaal ah ayaa Dawan TV u xaqiijiyay in Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) uu ku adkeystay in la aqbalo codsiga Itoobiyaanka ee ahaa in kulanka fool-ka-fool loo bedelo, taas wafdiga dhexdiisa ka dhalisay muran sidoo kalena jahwareer ku abuurtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo garan waayay go’aanka kama dambeysta ah ee dowladda Soomaaliya.

Cali Balcad oo ahaa ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa bishii March ee la soo dhaafay Nairobi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia  Taye Atske Selassie taas oo si cad uga hor imaaneysay shuruuddii Soomaaliya ee ahayd inaan wadahadal toos ah lala galeynin Ethiopia ilaa ay ka laabato is afgaradkii ay la gashay Somaliland.

Dawan TV ayaa ogaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga uu teleefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh isaga oo u sii maray Wasiirka Gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur.

“Hakan Fidan ayaa soo wacay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya si uu ula hadalsiiyo Xasan Sheekh si go’aanka rasmiga ah ee Soomaaliya loogu gudbiyo wafdiga Ethiopia” sidaasi waxaa inoo sheegay sarkaal sare oo wafdiga kamid ahaa.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in Xasan Sheekh uu Wasiirka Dibadda Turkiga u sheegay in wafdiga Soomaaliya uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, go’aanka Soomaaliyana uu isaga leeyahay.

Wafdiga Soomaaliya ee miiska fadhiyay ayaa ka koobnaa wasaaradda arrimaha dibadda oo ay matalayeen Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha, halka dhanka madaxtooyada ay matalayeen la taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, la taliye dhanka sharciga ah ee Xafiiska Amniga Qaranka, iyo xubno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa shuruud ku xirtay ballaarinta wadamada dhexdhexaadiyeyaasha ka noqonaya wada hadallada kadb markii Itoobiya soo jeedisay Kenya iyo Jabuuti, iyadana waxay dhankeeda soo jeediyay in lagu biiriyo Eritrea iyo Masar, taas oo u muuqatay diidmo xeeladeysan oo ah inaysan Soomaaliya dooneynin ballaarinta wadamda wadahadalka ka qeyb noqonaya.

Waxaa xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, uu sii maray Masar, inta uusan u safrin ka qayb galka wadahadalka ee Ankara.

Shirka oo aysan ka soo bixin wax natiijo ah ayaa dib loogu ballamay bisha September ee soo socota.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here