Thursday, September 19, 2024

Xoghayaha IGAD oo Muqdisho gaaray xilli ay kacsantahay xaaladda gobalka

Muqdisho (Dawan)- Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay ay cirka isku shareertay xaaladda gobalka.

Waa markii ugu horeysay ee uu Gebeyehu booqasho ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kahor inta uusan noqon Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019, waxa uu sidoo kale madax kasoo noqday wasaaradda Gaadiidka intii u dhaxeysay 2012 iyo 2016.

Sida aan wararka ku helnay Workneh Gebeyehu waxa uu kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa Soomaaliya, si looga wada hadlo xaaldda ka taagan gobalka iyo sidii looga wadashaqayn lahaa xasiloonida Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale la filaya inay labada dhinac kawada xaajoodaan xaaladda Suudaan iyo sidii looso afjari lahaa dagaalka dalkaas ka socda tan iyo bishii April ee sanadkii 2023.

Madaxda Suudaan ayaa u arka inay Soomaaliya uga habboontahay madaxda kale ee gobalka marka ay timaado in lawada hadalsiiyo dhinacyada ku dagaalamaya dalkaas.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa dhawaan sheegay in dariiqa kaliya ee dagaalka Suudaan lagu soo afjari karo inuu yahay hannaan wadahadal ah, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay wadafadhiistaan miiska wadaxaajoodka si looga gudbo colaadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here