Friday, October 18, 2024

Xukunka eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah ku riday xukun dil ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay inuu geystay fal dambiyeedki ay ku dhimatay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu dab qabadsiyay.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo badhigay caddeymo kala duwan oo dhammaantood muuniyay in Sayid Cali yahay dembiilihii geystay falka ay ku dhimatay Marxuumad Luul Cabdicasii.

“Maxkamaddu markii ay aragtay oo ay dhegaysatay eedda iyo caddeymaha uu soo bandhigay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaastii Luul Cabdicasiis” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka kadib xukumka Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in racfaan u furanyahay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda.

Abuukaate Cali Xalane oo u doodaye eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doona xukunka dilka ee ay Maxkamadda soo saartay.

Laamaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in ay isbuuc kadib gacanta kusoo dhigeen Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisa kadibna ka baxsaday Magaalada Muqdisho.

Sayid Cali ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku gubay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir taariikhdu marki ay ahayd 26 Jan 2024, kadibna waxa uu u fakaday deegaanka Gabdaale oo hoos taga Magaalada Hobyo.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ku muujiyay sida ay uga careysanyihiin dilka loo geystay Luul Cabdicasiis, iyaga oo ugu baaqay Hay’adaha Garsoorka in ay soo saaraan go’aan ku dhisan caddaalad iyo xaq.

Dambiyada dilka ah ayaa kusoo badanayay waayadii ugu dambeeyay qoysaska Soomaaliyeed, iyada oo aysan jirin wax baaritaan ah oo laga sameeyay, si loo ogaado sababaha keenaya in ay is dilaan laba qof oo is qaba ama is dhalay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here