Thursday, September 19, 2024

Xukuumadda oo qaraar kasoo saartay canshuuraha iyo dakhliga

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar ku saabsan canshuuraha iyo dakhliga dalka kadib markii uu xalay yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay ka jawaabidda cabashooyinka ka yimid ganacsatada magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa soo saaray qaraar ka kooban ilaa shan qodob kuwaas oo kala ah;

Qodobka 1-aad:Mamnuucidda in dakhli Dawladeed lagu shubo koonto aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA). iyadoona la adkeeyay in dhammaan dakhliga Dawladda lagu shubo TSA.

Qodobka 2-aad: Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran uruurinta iyo maareynta dakhliga Dawladda, iyadoo hay’adaha kale ee Dawladda laga mamnuucay inay dakhliga si iskood ah u maareeyaan.

Qodobka 3-aad: Wasiirka Maaliyadda ayaa la siiyay awoodda dejinta iyo wax-ka-bedelka tacriifadaha canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu ay sahan dhamaystiran ku samayn doonto tacriifadaha hadda jira.

Qodobka 4-aad: Goluhu waxa uu amray in dib-u-eegis lagu sameeyo heshiisyada iyo qandaraasyada aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016, iyadoo la baabi’iyay heshiisyo gaar ah oo ay ku jiraan adeega dhaqista koonteenarada iyo fayadhawrka Dowladda Hoose.

Qodobka 5-aad: Goluhu waxa uu sidoo kale soo saaray qodobo qubane ah oo ay ka mid yihiin dhimis lagu sameeyay qiimaha iskaanka dekadda, joojinta lacagaha howl fududeynta ee aan sharci ahayn, yareynta khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda, joojinta lacaga lagu qaado kontorollada Muqdisho ka baxa sida Afgooye iyo Balcad.

Waxaa sidoo kale la faray Wasaaradaha Ganacsiga iyo Gaadiidka inay soo jeediyaan qorshayaal lagu xallinayo cabashooyinka ganacsatada iyo gaadiidka xammuulka.

Qodobadaan ayaa badidooda ku qotoma cabsbashooyin ay ganascsatada horay usoo gudbiyeen kuwaas oo ka cabanayay lacagaha aan sharci ku fadhin ee laga qaado badeecadaha kasoo dega dekedda Muqdisho iyo kontrollada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here