Sunday, December 22, 2024

Xulka 15-jirada Soomaaliya oo ka qeybgalaya koobka iskuulada Afrika

Muqdisho (Dawan)- Xulka Soomaaliya ee 15-jirada ayaa maanta u safray dalka Uganda si ay uga qeybgalaan isreeb-reebka Koobka Iskuulada Afrika (Qeybta Bariga & Bartamaha).

Tartankan, oo ay ku loolamayaan dalalka Uganda, Tanzania, Kenya, iyo Burundi, ayaa la ciyaari doonaa qaab horyaal ah, iyadoo dhamaan xulalka ka qeybgalaya ay is wada arki doonaan.

Guuleystaha ugu dhibcaha badan ayaa si toos ah uga qeybgalaya tartanka CAF African Championship ee 2025. Tartankan ayaa ah kii 3-aad ee la qabanayo, waxaana dhamaan kulamada lagu ciyaari doonaa garoonka St. Mary’s Stadium ee magaalada Entebbe ee Uganda.

Xulka da’da yar ee Ocean Stars, waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka sagootiyay madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta, C/rashiid Cabdulle Maxamed iyo Bashiir Salaad Barre oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here