Sunday, September 8, 2024

Xulka Qaranka oo markii ugu horeysay ciyaaraya kulamo saaxibtinimo

Muqdisho (Dawan)- Markii ugu horreysay taariikhda kubbadda cagta Soomaaliya, Xulka Qaranka ayaa ciyaari doona laba kulan oo saaxibtinimo, sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Xulka Qaranka oo diyaar garow ugu jira isreeb-reebka koobka Adduunka 2026, ayaa bishaan ocotober la ciyaari doona Wadamada Niger (14 october) iyo Sierra Leone ( 17october).

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii Qaranka Soomaaliya u ciyaari lahaa kulamadaan saaxibtinimo, kuwaas oo muhiim u ah diyaargarowga ciyaaraha isreeb-reebka koobka Adduunka 2026.

Labadaa kulan ayaa ka dhici doona garoonka Berrechid Municipal Stadium ee ku yaalla dalka Morocco oo hadda u ah Guriga (Home) Xulka Soomaaliya.

“Sanadkan waxaan ciyaareynaa labo kulan oo saaxiibtinimo caalami ah; waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay ciyaaraan kulamo nuucaan ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ciyaarno kulamadaan si aan ugu diyaar garowno kulmada rasmiga ah ee Algeria iyo Uganda “ ayuu yiri, Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, Cali Cabdi Maxamed.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa shalay (Axad) u safray dalka Morocco, waxaana dhawaan kusoo biiri doonta ciyaartooyda ka imaaneysa dibadda

Soomaaliya ayaa gashay Group-ka G oo ay ku wada jiraan wadamada Algeria, Mozambique, Botswana, Guinea, iyo Uganda.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here