Saturday, November 23, 2024

Xuska 30-guuradii ka soo wareegtay xasuuqii Rwanda

Kigali (Dawan)- Dalka Rwanda waxaa laga xusaya maanta oo Axad ah sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsiga, kaas oo lagu tiriyo mid ka mid ah dil wadareedeedi iyo isir sifayntii ugu xumaa ee dhacay qarnigii labaatanaad.

April 7, 1994, maalin kadib markii diyaaraddii uu saarnaa Madaxweyne Juvénal Habyarimana lagu soo riday Kigali, ayaa kooxaha xagjirka ah ee Hutu iyo maleeshiyada Interhamwe waxay bilaabeen weeraro argagax leh oo ay ku beegsanayaan dadka Tutsiga ah ee laga tirada badan yahay iyo Hutuga qunyar socodka ahaa.

Muddo 100 maalmood ah, waxaa la dilay ugu yaraan 800,000 oo qof, kuwaas oo u badan dadka laga tirada badan yahay ee Tutsiga, waxaana la kufsaday ilaa 250,000 oo haween ah, halka boqollaal kun oo qofna ay u qaxeen dalalka deriska ah.

Soddon sano ka dib xasuuqaas, Rwanda waxay weli ku dadaaleysa in laga soo kabsado dhibaatadaas xanuunka badan, iyada oo xoogga la saaraysa dib u heshiisiinta, midnimada iyo caddaaladda.

Sida caadada ah, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa hoggaamin doona xuska toddobaadka baroor-diiqda qaran ee dalkaas, isagoo ubax dhigaya Taallada Gisozi ee magaalada Kigali, halkaas oo ay ku duuganyihiin in ka badan 250,000 oo ka mid ah dadkii la xasuuqay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa farriintiisa ku saabsan xuska maalintan ku yiri, “Aan hubinno inaan la hilmaamin falkii dhacay 7-dii April, 1994-kii, si aysan meel kale uga dhicin mar kale”

Inta lagu guda jiro todobaadka baroor-diiqda ah (April 7-13) calanka ayaa hoos loo dhigi doona, waxaana la mamnuucayaa munaasabadaha guud, sida aroosyada, xafladaha, tartamada ciyaaraha iyo arrimaha kale ee la isku madadaaliyo.

Sannad kasta 7-da April, Qaramada Midoobay waxay xustaa dhibanayaashii xasuuqii Ruwaanda, oo ah mid ka mid ah xasuuqii ugu xumaa ee taariikhda soo mara.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here