Monday, September 16, 2024

Xuutiyiinta oo sii daayay 113 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada dowladda

Sanca (Dawan)- Hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay sii daaysay 113 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Tillaabada lagu sii daayay maxaabiista ayaa ka mid ah qorshaha is-wayadaarsiga maxaabiista ay kala haystaan Xuutiyiinta iyo dowladda.

Dhanka kale, dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka lasii daayay aysan ahayn askar, balse ay ahaayeen dad shacab ah oo Xuutiyiintu ay ka qafaasheen guryaha, masaajidda iyo goobahooda shaqada.

Bishii April 2023, dowladda Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa dhaqan geliyay heshiiskii ugu dambeeyay ee is-dhaafsiga maxaabiista , iyadoo labada dhinac ay sii daayeen ku dhawaad ​​900 oo maxaabiis ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here