Thursday, September 19, 2024

Yaa daabulay imtixaanaadka shahaadiga.. ma dowladda mise ATMIS?

Muqdisho (Dawan)- Afar meelood  hal meel  wax kabadan oo kamid ah khudbadiisa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga hadlay mar kale arimaha canshuurta.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad socotay 42 daqiiqo ka qaatay munaasbadda soo bandhigiddda wax qabadka xukuumadda Soomaaliya ee labadi sano ayaa mar kale 12 daqiiqo oo ka mid ah uga badlay arrimaha canshuurta.

Xassan oo tilmaaamaya guulaha ay dowladu ka gaaartay isku filnaanshaha ayaa sheegay in imtixaanki ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya qaaday aysan cidna ka caawin wax kasta oo ku baxay.

Balse Howlgalka ATMIS ayaa sheegay mid sidaas ka duwan 22 bishii June ee sanadkaan maalin ka dib bilaabashada imtixaanka guud ee dusgisa sare.

 ATMIS ayaa si guul leh dhanka hawada ugu daabushay agabka imtixaanka muhiimka in ka badan 21 goobood, wax yar ka hor inta aanan la bilaabin toddobaadka imtixaanka qaran ee dugsiga sare ee dalka.

Ka dib markii ay soo codsatay Wasaaradda Waxbarashada, helikobtarrada adeegga ATMIS ee Uganda iyo Burundi ayaa ka qaaday agabka imtixaanka magaalada Muqdisho iyagoo u daadgureeyay afar Dowlad Goboleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. ATMIS ayaa intaas ku sheegtay qoraal ay soo saartay xilligii imtixaanka

Madaxweynaha oo sii watay tilmaanta guulaha ay dowladu ka gaartay canshuuraha ayaa sheegay in canshuurta kirada guryaha ay ka soo xarootay 1 milyan oo doolar bishii July oo kaliya halka seddex sano ee ka horeysayna ay ka soo xaroon jirtay 50,000 oo doolar oo aan is badalin sedexdaas sano.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in aysan eeda lahayn canshuur bixiyaasha iyo kuwa maamula canshuurta! Ku darso oo canshuurta saaran kiradda guryaha waa 5 % .

Labadii sano ee ugu horeysay waxa uu madaxweynuhu xoogga saaray dagaalka Al-shabaab iyo musuqmaasuqa laakin sida muuqata inta ka hartay mudda xileedkiiisa waxa uu diiradda saari doona canshuurta iyo doorashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here