Wednesday, March 12, 2025

Yaa fuliyay howlgalka Dhoobley?

Dhoobley, Jubbada Hoose, Soomaaliya – Khilaaf ayaa ka dhashay cidda hogaaminaysay howlgal lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Lafo-gari ee degmada Dhoobley, gobolka Jubbada Hoose.

Telefishinka Jubaland ayaa warbixin ku sheegay in ciidamada Jubaland ay fuliyeen howlgal qorshaysan oo lagu qabtay Macallin Maxamed, oo la sheegay inuu hogaaminayay maxkamad Al-Shabaab ka dhistay deegaankaas.

“Howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidamada Jubaland ayaa ka dhacay deegaanka Lafo-gari oo ka tirsan degmada Dhoobley, waxaana lagu qabtay argagixiyaha Macallin Maxamed, oo madax u ahaa maxkamad been abuur ah oo kooxdaasi ka hirgelisay deegaanka,” ayaa lagu yiri warbixinta Jubaland TV.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada Jubaland.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Jubaland ayaa fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Lafo-gari, halkaas oo lagu qabtay argagixiyaha Macallin Maxamed, oo madax u ahaa maxkamad been abuur ah oo Khawaarijtu deegaanka ka samaysatay,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday Radio SNA.

Labada dhinac—Jubaland iyo dowladda federaalka—waxay sidoo kale sheegteen in howlgalka lagu dilay afar dagaallame oo Al-Shabaab ka tirsanaa kuwaas oo deegaanka isku dayayay inay ku dhuumaaleystaan.

Khilaafka ka dhashay cidda hogaaminaysay howlgalka ayaa imanaya xilli Jubaland iyo dowladda federaalka ay marar badan isku khilaafeen arrimaha amniga, taasoo keentay dagaallo ka dhacay deegaanno ay Jubaland maamusho. Arrintan ayaa u muuqata mid ka baxsan muran siyaasadeed oo caadi ah, maadaama labada dhinacba si firfircoon uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here