Saturday, September 7, 2024

Yuusuf Garaad: Guushan waxay imtixaan ku tahay dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad.

Hambalyo Soomaaali oo dhan in Soomaaliya loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waa Golaha sharci ahaan ugu sarreeya caalamka oo dhan.

Waa kursi Soomaaliya weligeed mar keliya soo maray, ayna ugu dambeysay horraantii toddobaatanaadkii.

Waxay ka mid tahay guulaha ka marqaati kacaya in Dowladnimada Soomaliya ay sii xoogeysaneyso, ayna sii baaheyso saameynteeda caalamka ee togani.

Hambalyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda oo dhan oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Si gaar ah hambalyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qarammada Midoobay, Abuukar Cusmaan iyo Danjirayaasha hore u soo shaqeeyay haddana ku wehliya fadhiga.

Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa heer Federaal iyo heer Gobol, mas’uul kasta oo kalkaan ama kal hore gacan ka geystay dib u soo kabashada iyo horumarinta Dowladnimada Soomaaliya.

Guushaan Soomaali u soo hoyatay waa imtixaan ay tahay in ay Dowladdu caddeyso mowqifkeeda qaddiyad kasta oo caalami ah oo la soo hordhigo Golaha Ammaanka. Waliba waa xilli shanta xubnood ee joogtada ah, lehna awoodda ishortaagga go’aanka Golaha, uu cilaaqaadkoodu marayo meel aad u hooseysa.

Waxaan hubaa haddii wadatashi ku salleysan xog ogaalnimo, aqoon iyo falanqeyn qoto dheer, lagu salleeyo in Soomaaliya codkeedu uu noqon doono mid kor u sii qaada maqaamka Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Afrika iyo Caalamkaba.

Mar kale hambalyo Soomaaliya iyo Soomaali oo dhan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here