Monday, September 23, 2024

Yuusuf Garaad: Waarow ka gaabso

Muqdisho (Dawan)-  Waxaa qoray, Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad.

Walaakeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon.

Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah.

Midda labaad oo u furan waa in uu uga hadlo si aan baalmarsaneyn, ka cusleyn kana khafiifsaneyn ee si buuxda u waafaqsan mowqifka IGAD oo keliya ay gooyaan Golaha Wasiirrada IGAD ka dibna ay Madaweynayaashu ansixiyaan.

Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo.

Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasaddu in uu sidaa isu xakameeyo, laakiin xil kastaa wuxuu leeyahay xudduud.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here