Friday, October 18, 2024

Zambia..10 qof oo ku dhintay god ay ka qadayeen macadan oo kusoo dumay

Zambia (Dawan)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay god ay ka qodayeen macdan Koonfur-galbeed ee Zambia.

Dhibaatadan ayaa ka dhacday degmada Mumbwa maalintii Isniinta.

“Intii ay ku guda jireen howlahooda macdan qodista, ayuu godku kusoo dul dumay” sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay Boliiska dalkaas.

Laamaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiiyan markii hore lix qof soo laga soo saaray godka, laakiin mid ka mid ah dadkaas ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Booliska ayaa intaas ku daray in weli uu socdo baaritaanka lagu ogaanayo sababta shilkan dhalisay, iyaga oo sidoo kale ku howlan sidii loo xaqiijin lahaa tirada saxda ah ee dadkii ku jiray godka soo dumay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here