Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti iyo Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa maanta ku baaqay tallaabooyin degdeg ah si wax looga qabto xaaladda walwalka leh ee ka jirta meelaha lagu soo dhaweeyo qaxootiga, iyadoo labadoodaba ay ku wada qaateen kulan Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadeed ee Jabuuti.
Baaqan waxaa loo sameeyay in la isugu keeno saaxiibada farsamo iyo maaliyadeed si loo soo bandhigo ficillo dhab ah oo wax looga qabanayo xaaladda ka jirta meelaha lagu soo dhaweeyo qaxootiga.
Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, oo ka hadlay kulanka, ayaa yiri: “Waxaan wajahaynaa xaalad adag oo ku saabsan ilaalinta qaxootiga ilaa bilowgii sanadkan.”
Inkasta oo dadaallo joogto ah iyo horumar weyn laga sameeyay ilaalinta iyo caawinta qaxootiga, xaaladda qaxootiga ayaa si weyn u xumaaday tan iyo bilowgii 2025, sababo la xiriira hakad ku yimid maalgelinta.
Saamaynta ka dhalatay xaaladdan ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha Jabuuti. Waxayna sheegtay Dowladda jabuuti in 10,000 oo caruur ah ay khatar ugu jiraan waxbarasho la’aan bilowga bisha Sebtembar 2025, halka 34,000 oo qaxooti ah ay wajahaan culees ku saabsan helitaanka adeegyada caafimaad.
Dowladda Jabuuti ayaa ka digtay in haddii aan wax laga qaban xaaladdan, ay si xun u saameyn doonto horumarka aadanaha, yareyn doontaa wax soo saarka, iyadoo sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa bulshada Jabuuti iyo caalamka oo dhan.