Wednesday, May 8, 2024

Dawan Media waa warbaahin madaxbannaan, dhexdhexaad ah oo xarunteeda ugu weyna tahay Muqdisho, Soomaaliya, balse ka howlgasha dunida oo idil iyada oo hiigsaneysa bixinta adeeg warbaahineed oo caalami ah. Aagga tebinta Dawan waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyada oo xoogga saareysa wararka siyaasadda, dhacdooyinka, taariikhda, dhaqanka, ciyaaraha dhaqaalaha, cimilada iyo arrimaha bulshada.

YAGLEELKA: Fikradda aasaaska Dawan ayaa ka timid suxufiyiin rugcadaa ah oo muddo dheer ku soo jiray saxaafadda oo Soomaali ah. Go’aanka ayaa ku yimid baahida loo qabo warbaahin ay Soomaali leedahay, maamusho, kana howlgasho oo hab caalami ah wax ugudbisa, u falanqeysa, una odorsta si loo xaqiijyo maamul daahfuran iyo ilbaxnimo bulsho.

HIIGSI: Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay warbaahintan waa in bulshada loo soo gudbiyo xog ku saleysan xaqiiqo, falanqeyn dhexdhexaad ah iyo wacyi-dhis sare u qaada garashada iyo aqoonta bulshada

HIRAAL: Aragtida Dawan waxay ku saleysan tahay ka qeyb noqoshad sare u qaadidda fahanka bulshada iyada oo loo marayo aragti kala duwanaan ku qotonta xeydaabka diinta, dhaqanka iyo shuruucda dalalka, soo bandhigidda mowduucyo wax ku kordhinaya hab-fekerka bulshada iyo cod-siinta kuwa aan codka lahayn.

Adeegga warbaahineed ee Dawan waxa uu iskugu jiraa mid bilaah ah oo u furan dhammaan dadka heysta qalabka ay ku daawan karaan ama ku aqrisan karaan ee Internet, satellite iyo cable isugu jira, sidoo kale Dawan waxay leedehay adeeg la rukunto oo macaamiishu bixiyaan khidmad lacageed oo ay ku beddeshaan adeeg warbaahineed oo tayo sare leh, gaarna u ah.