Wednesday, August 6, 2025

68 Muhaajiriin Afrikaan ah oo ku nafwaayay xeebaha Yemen

SANCA(Dawan) – Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah, intooda badan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, halka 74 kalena la la’yahay, kadib markii dooni tahriib ah ay ku degtay Gacanka Cadmeed, agagaarka gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) maanta.

Doonida, oo siday 154 muhaajiriin ah, ayaa ku degtay waaberigii 3-dii Agoosto 2025, meel ku dhow degmada Khanfar ee Zinjibar, kaddib markii ay la kulantay cimilo daran. Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay in la badbaadiyay oo keliya 12 qof, kuwaas oo loola cararay xarumo caafimaad oo ku yaalla Shaqra.

Cabdulqaadir Bajameel, Agaasimaha Xafiiska Caafimaadka ee magaalada Zinjibar, caasimadda gobolka, ayaa u sheegay Anadolu in la helay meydadka 54 muhaajir Itoobiyaan ah iyo hal Yemeni ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhammaan meydadka la aasay, isla markaana ay socdaan hawlgallo lagu raadinayo dadka maqan.

Maalintii Axadda, booliska Abyan ayaa bayaan ku sheegay in kooxo samatabbixin ah ay wadaan howlgal bani’aadamnimo oo ballaaran si loo soo saaro meydadka. Muhaajiriintan ayaa la rumeysan yahay inay kasoo tageen Geeska Afrika, iyagoo ku socday Yemen si ay uga gudbaan waddamada Khaliijka.

Sida ay sheegtay warbaahinta Yemen Window, waxaa markii hore laga soo saaray xeebaha magaalooyinka Shaqra iyo Zinjibar 25 meyd.

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa horay u sheegtay in in ka badan 60,000 muhaajiriin sharci darro ah ay gudaha u galeen Yemen sannadka 2024 oo kaliya. Inkasta oo Yemen ay la daalaa-dhaceyso dagaallo iyo xaalad bani’aadamnimo, dalkaasi ayaa weli ah marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta ka imaanaya Itoobiya iyo Soomaaliya kuwaasoo ku hamiyayay nolol ka wanaagsan oo ay ka helaan waddamada Khaliijka.

Jidkan Yeman ee Muhaajiriinta wuxuu weli ka mid yahay marinada ugu khatarta badan caalamka, iyadoo kumannaan muhaajiriin ah ay si joogto ah ula kulmaan halis badeed, tacaddiyo, iyo dhibaatooyin kale oo bani’aadamnimo inta ay socdaalka ku jiraan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here