Sunday, August 17, 2025
Array

97.9% Ardayda Dugsiyada Sare Somaliland ayaa Gudbay.

Hargeysa (Dawan TV) – Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka imtixaanka fasalka 12 ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kuwaas oo muujinaya in inta badan ardaydu si guul ah u gudbeen. Guud ahaan ardayda imtixaanka gashay waxay ahaayeen 15,978, waxaana ka gudbay 15,647, taasoo ka dhigan heer guul oo dhan 97.9%, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah ee la shaaciyay maanta oo Axad ah.

Natiijooyinka ayaa muujinaya in wiilasha ay ahaayeen 56% ardayda (8,895 arday), halka gabdhuhu ahaayeen 44% (7,083 arday). Dhanka kale, 269 arday (1.7%) ayaa ku dhacay, halka 62 arday (0.4%) aysan soo xaadirin imtixaanka.

Gobollada dalka, Maroodi-jeeh ayaa kaalinta koowaad ka galay tirada ardayda u fariisatay imtixaanka, oo gaaraysay 7,845 arday. Kuwaas. Gobolka Awdal ayaa asna lahaa 1,879 arday, Togdheer 2,592 arday, iyo Gabiley 1,011 arday.

Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ayaa sheegay in guud ahaan 176 dugsi oo Somaliland ku yaalla ay ka qeyb galeen habraaca imtixaanka. Mas’uuliyiintu waxay ammaan u jeediyeen ardayda iyo macallimiinta dadaalka ay muujiyeen, iyaga oo guusha sare ku sababeeyay kor u qaadista tayada waxbarashada iyo dabagalka imtixaanka oo la adkeeyay.

“Ka Wasaarad ahaan waxaa bilownay in aan ardayda kala hadalno oo aan ka wacyi galino qishka oo lala socdo halka ay marayaan xagga manhajka, howshaas waa la sii wadi doonaa” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaantay baahida loo qabo in wax laga qabto caqabadaha horyaalla ardayda aan gudbin ama dhammaystirin imtixaanka. Waxay ballan-qaadeen in la abuuri doono barnaamijyo taageero ah si aan ardayna looga caawiyo si ay u gudbaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here