Thursday, September 19, 2024

is rasaasayn ka dhacday Xabsiga Dhexe oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay, in kabadan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen is rasaasayn subaxnimaddi maanta ka dhacday Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab ku eedeysay inay ka dambeeyeen dagaalkii maanta Xabsiga ku dhex maray ciidamada iyo qaar ka mid ah maxaabiista Al-shabaab ee ku jira Xabsiga

Af-hayeen ciidanka Asluubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhexe ay isku dayeen inay xabsiga ka sameeyaan arrimo ka dhan ah amniga, kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada ilaalada xabsiga, waxaana ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac

Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus. Waxaa ka dhaawacmay 18. Askarta waxaa ka dhintay 3, waxaana ka dhaawacmay 3″ ayuu yiri, Afhayeenka ciidanka Asluubta

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in lasoo gabagabeyay howlgalkii dib usoo celinta xasiloonida Xabsiga Dhexe, iyada oo ay hadda xaaladdu kusoo laabtay si caadi ah, balse kama bixin faahfaahin dhameystiran sida ay maxaabiistu ku helaan hubka ay ku dagaalameen, inkasta uu sheegay in la baari doono wixii dhacay lana wadaagi doono warbaahinta.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaal dhex maro maxaabis ku jirta Xabsiga Dhexe iyo ciidanka Asluubta, waxaana su’aalo laga keenay qaabka ay maxaabiistu ku helaan hubka ay ku dagaal galaan, inkasta oo aysan dowladdu ka bixin wax jawaab ah.

Ilaa iyo hadda ururka Al-shabaab kama hadlin is rasaasaynta ka dhacday maanta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here