Garoowe (Dawan)- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Xeerarka Doorashooyinka Golayaasha Deegaannada.
Guddigu waxa uu sheegay in xisbi kasta ay ka reebantaahay in uu hantida dowlada u adeegsado danihiisa gaarka ah iyo ololaha doorashada .
Sharuucda uu soo saaray Guddiga, waxaa sidoo kale ka mid ah in aan la adeegsan karin koox ama ciidan hubeysan oo lagu socodsiinayo danaha doorasho , iyadoona dhamaan xisbiyada looga digay inay ku kacan falal ka hor imaanaya xeerarka Guddiga Doorashada ama jabinaya jadwalka loo qabaty doorashada.
Digniintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmahaan ay jireen eedeymo ah in xisbiga talada haya uu olollaha u adeegsaday gaadiidka Dowladd Goboleedka .
Doorashooyinka Degmooyinka kala ah Garoowe , Donogoroyo iyo Godobjiraan ayaa horay waxaa ugu yimid hakad kadib markii Guddiga doorashooyinka uu soo saaray go’aan lagu joojinayo howlaha doorashooyinka ee Degmooyinkaas.
Guddiga ayaa ku sababbaeey go’aankaas xalaadihi amni darro ee ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladd Goboleedka Punland.